Qaamuuska Xisaabta
Gogoldhig

(Waxaan ka tixraacay taariikhdan qoraallo la sameeyey 1975kii.)

Inta laga og yahay taariikhda carriga ay soomaalidu ku noolayd, fikradda aqooneed ee wax qorid ama wax akhris, waxaa bilaabay Shiekh Yussuf Al Kownayn, oo dadka badankiisu u yaqaaniin Aw Barkhadleh. Waxa uu ahaa hoggaamiye diimeed oo noolaa qiyaastii 700 oo sano ka hor, kuna aasan hadda meel u dhaw magaalada Hargeisa oo ay ku oolli jirtay tuulo yar hadda baaba'day oo la odhan jiray Dhogor.

Inkasta oo Aw Barkhadle naftiisu aanu qorin luuqadda soomaliga, haddana waxa uu kalkaaliyay fikradda jiritaan af soomaali qoran, waayo waxa uu ahaa ninkii u horeeyay, inta la'og yahay, ee bara soomaalida sida wax loo qoro gebiahaanteedba.

Waxaa loo maleeyaa inuu ka mid ahaa ku faafiyeyaahii diinta islaamka geeska africa, waxa uu se ku caan baxay, u kuurgalkiisii habka barashada afcarabiga (si loo barto qur'aanka), isaga oo afsoomaliyeeyay habka xarakaynta ee naxwaha afcarabiga. Habkiisaa oo loo yaqaan Alif la Kor Dhabay, waxa uu aad u fududeeyay barasha carabiga, waxaana uu wax wayn ka taray saafidda codadka iyo naxwaha soomaaliga.

Balse muddooyinkii danbe dhowr kooxood iyo shakhsiyaad gaar ahiba way isku dayeen in afka soomaaliga ay u sameeyaan xarfo soo koobi kara ku hadalkiisa. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Sh. Nuur (Boorama), Maxamed Abdi Mayal (Berbera) iyo Cusmaan Yuusuf Kenadid (Hobyo). Waxaa jiray iyana dad ajaanib ah oo isku dayay inay qoraan far soomaali, waxaa ka mid ahaa Captain J. S. King oo u dhashay carriga ingiriiska.

Inkasta oo ay jireen hababkaa kala duwani, haddana fartii uu hindisay Keenadiid oo kaliya ayaa ka hana qaadday, isla markaana wad gaadhay dhammaan dalka, waxaana lagu magacaabay Cusmania oo ka timi magaca ikhtiraacaheeda.

Muddadii ay Somalidu xorriyadda haysatay, dhowr hindise ayaa la isla soo qaadey sidii loo dejin lahaa far soomaali, badhtamahiii kontomeeyada waxaa la abaabulay guddi dejisa far soomaali, waxana aad looga doodey in la isticmaalo faraha laatiinka iyo tan carabiga.

1972-kii ayaa la hirgaliyay qoritaanka far soomaali, iyada oo la isticmaalayo far laatiin wax laga beddelay. Waxaa sal u ahaa 26 xaraf oo isgu jira shaqallo (vowels) iyo shibbaneyaal (constants), eeg shaxanka bogga (iiv).

Si Af Soomaligu u hanan karo dhammaan xilalka maamul iyo waxbarasho, muddo aad u gaaban ayaa la kobciyey qaamuuska erayadiisa, iyadoo la isticmaalayo erybixin degdega ah, gaar ahaan af cilmiyeedka iyo afka maamul-xafiiska dowladnimo.

Gudigii loo xil saaray qorista iyo eraybixinta saynisku waxay ay adeegsadeen, guud ahaan, dhowr siyaabood oo ay ku dejiyeen erayada cusub:

Inkasta oo afsoomaaligu uu yahay luuqad aad u qani ah, isla markaana ku salaysan habaka hidde-dhaqan-dhaqaale ee bulshada soomaaliyeed, sida reer-guuraa, beeralay, kallumaysato iwm, hadana waxa cad in isticmaalkiisa si cilmi ahaan ah aanay ahayn wali qaangaadh, waayo waxa uu wali ku jiraa afkeennu xilli kobcid.

Waxa aan shaki ku jirin, sidaa darteed, in ardeyda wax ku baranaysa af soomaaligu ay la kulmi doonaan dhibaatooyin fara badan oo ay sababtay kobcidda iyo isbeddelka luuqaddeenu, taasoo oo ay sii xoojinayso kala duwanaansha habka dhaqan-dhaqaale-bulsho ee gobollada kala duwan.

Hadaba, si dhibaatooyinkaas looga bixi karo, waxa loo baahan yahay in la sameeyo qoraallo badan oo afsoomaali ah, lana abaabulo dood cilmiyeedyo lagu gorfeeyo dhexdhexaadinta af soomaali cilmiyeed.

Jama Musse Jama.