Alif la kordhebay

Alif la kordhebay, Alif la hoos dhebay, Alif la goday
AA - alif la kordhebay alif lagu reeb
II - alif la hoos dhebay yaa lagu reeb
UU - alif la goday wow lagu reeb.
(Ambaqaad)

Ujeeddada boggan.
Dhibka eray-bixinta.
Erayo cusub: Faaqidaad ku samee erayadan la soo bandhigay.
Qaamuuska Xisaabta: Soomaali-English-Italiano: Qeex af-soomaali.

Bogga Jama Qaamuuska Xisaabta Talo Bixin Eray Farriin Dir

Ujeedada Alif-La-Kor-Dhebay

Mar kasta oo aqoonta aadamahu kor u socotoba waxaa iyana la kora luuqadda ay ku hadlayaan, iyada oo ay dhashaan erayo cusub oo aan hore loo isticmaali jirin. Afka soomaaliga oo ah mid isagu qani ku ah dhaqanka soomaalida, waxa uu u baahan yahay koritaan iyo horumar joogto ah oo ku salaysan cilmiga iyo horumarka dunida cusub, gaar ahaan sayniska.

Muhiimadda ugu wayn ee aasaaska boggan waxa ay tahay sidii loo heli lahaa goob lagaga doodi karo af-ka soomaaliga iyo wax ku barashadiisa. In ay sax tahay in wax lagu barto iyo in kele; in sayniska lagu sifeeyo af soomaali iyo su'aalo kale oo la mid ah ayaa jawaabtooda laga sugayaa in loogu soo hagaago goobtan.

Waxaa kale oo lagu soo bandhigay qaamuuska xisaabta ee afsoomaaliga, kaasoo haddii Eebe raali ka noqdo dhawaan soo bixi doona isaga oo daabacan.

Sida wacan Illaah ha ina garansiiyo.

Jama Musse Jama

Ambaqaad - Hees

Heestan oo uu curiyay abwaanka Siciid Saalax Axmed, oo ka tirsanaa hoboladii kooxda iftin ee wasaaradda waxbarashada, ayna ku luuqayn jirtay fanaanaddii Maryan Muuddey, waxaan jeclaystay inay u noqoto rugtan halhays. Waa heesihii loogu dabbaaldegay xilligii dhalashada afsoomaaliga qoran.

Cabdirashiid Caydiid oo wax ka barta Carleton University, Ottawa, ayaa si sharafi ku jirto noogu sheegay magaca abwaanka heesta curiyay iyo hoobaladda ku luuqaysaba. Mahadsanid Cabdirashiid.

Anba qaadka geediga
Marka owrta lo raro
Heesaha u gaarka ah
Waxa lagu aloosaa
Duco Eebeeheen iyo
Addin iyo af wada jira

Alif la kordhebay, Alif la hoos dhebay, Alif la goday
AA - alif la kordhebay alif lagu reeb
II - alif la hoos dhebay yaa lagu reeb
UU - alif la goday wow lagu reeb

(Abwaan Siciid Saalax Axmed)