Dhibka Eraybixinta Xisaabta:
Xaaladda Afka Soomaaliga.

Saamaynta dhanqanka iyo lahjaddu ku yeelaan karaan barashada xisaabta iyo guud ahaan cilmiga ayaa ah arrin aad u miuhiim ah oo inbadan laga faalooday. Waxaa qaddarin mudan in laga fiirsado, gaar ahaan, abuurka erayo cusub iyo isticmaalkooda, iyadoo la is waydiinayo dulucda ay xambaarsan yihiin iyo sida loo fasiran karo luuqadda caadiga ee suuqa lagaga hadlo. Waxaan shaki ku jirin in wax ku dhigista iyo wax ku barashada afka hooyo uu ka wanaagsan yahay kan qalaad. Iyadoo taasi jirto ayaa hadana marka lahjadi ay ku jirto xaalad bilow ah, sida eray-cilmiyeedka af-soomaaliga, ay tahay in laga digtoonaado doorashada eray-cilmiyeedyo cusub iyo dhisidda weedho yeelan kara macno hufan oo aan keenin ismaandhaaf.

Waxay iila muuqataa in howshii ay qabteen gudigii eray-bixintu 19970-75, gaar ahaan xagga xisaabta, ay tahay mid aad iyo aad qiimo badan. Ayaandarrose waxay ka dhacday in aanay howshaasi helin wax dib u eegid ah iyo dayactir toona.

Hadaba, maadaama ay luuqadda wax lagu baranayaa aad u saamaynayso ardeyda fahankooda, salna u tahay dhuuxidda fikradaha xisaabeed ee xanbaarsan tahay weedhkastaa, waxaa cad in dib loo eego eraybixinta af soomaaliga, lana dhiiri galiyo qoraal badan oo soomaali ah. Taasi waxay fududaynaysaa in af-cilmiyeedka da'da yar ee af-soomaaligu u helo fursad uu ku dhex galo luuqadda af-soomaaliga, kana madax banaanaado kaliya dugsiyada iyo goobaha waxbarashada.

Fadlan haddii aad hayso wax fikrad ah, amase aad ogsoon tahay cid hawshaas faraha ku haysa xilligan maanta lagu jiro, ila soo socodsii. Si bilow ahaan waxaan iskudayay inaan ururiyo erayada xisaabta ah ee afka soomaaliga, iskuday inaad booqato qaamuuskan af-soomaali-ingiriisi-talyaaniga ah, ka dibna ha igala bakhaylin wixii talo iyo tusaale ah Jama Musse Jama.

Jama's Home Page Ku noqo boggii Jama
Students Home Page Waa page ay sameeyeen ardeyda kulliyadda xisaabta ee Jaamacadda Pisa, wuxuu ku qoran yahay luuqado kala duwan, oo ay ka mid tahay tan soomaligu.