Date: Tue, 21 Jan 97 05:22:27 -0800 From: FAISAL OMAR ALI To: jama@dm.unipi.it Subject: Eray bixin Walaal Jaamac, marka hore salaan sharaf iyo maamus mudan. Intaa ka dib Waa fikrad aad u wanaagsan fikraddan aad waddaa. Waxana aan jecelahey in aan eray horena loo sheegay magac cusub u bixiyo. kaas oo ah "Download" oo ay iila qurux badnaatey in aan u bixiyo; Soo rar. Isla markaana ereygaa ereyga ku lidka ah ee af ingiriisiga loogu yaqaan "Upload" oo isna noqonaya; Sii rar.