From - Mon Nov 11 09:28:54 1996 Path: serra.unipi.it!nntp.zit.th-darmstadt.de!fu-berlin.de!main.Germany.EU.net!EU.net!howland.erols.net!torn!newshub.ccs.yorku.ca!news From: yu119792@yorku.ca (Saciid Maxamuud Maxamed) Newsgroups: soc.culture.somalia Subject: Please read it and contribute Date: Mon, 11 Nov 1996 19:28:57 GMT Organization: Jaamacadda York Lines: 57 Message-ID: <566h4j$qau@sunburst.ccs.yorku.ca> Reply-To: cs952043@ariel.cs.yorku.ca NNTP-Posting-Host: worf12.slip.yorku.ca X-Newsreader: Forte Free Agent 1.0.82 Waad salaaman tihiin arragtida ku salaysan qeexidda tiro -beel baan wax ka odhan lahaa. infinity , tiromabeelayaal baan ugu yeedhi lahaa. Waayo ,haddaan idhaahdo tirooyinkii waa dhamaadeen waxaan leeyahay midbuu igaga gu'ay oo wax ka shisheeyaa ma jiraan. Laakiin midkastoo shishe midbaa ka shisheysa . markaa "infinity" waxaan odhan lahaa tiromabeelayaal. suaasha Jaamac oo ah tirooyinka lakabtayadda ee taxan labadda lamaane ee (0,1) waa tiromabeel koobma laakiin tirooyinka maangaleed ee lamaanahaa dhex taxan waa ma tirsame ama ma koobme . Ta kale , urrurka tirooyinka abyoonayaashu oo idil waa tiromabeele koobma laakiin urrurka tirooyinka maangaleed oo idil waa ma tirsamayaal ama makoobme sida ay (0,1) kuwa dhexyaaloo maangalee u yihiin. Sida Cabdirisaaq caddeeyey waxa sal u ah caddaynta in urrur yahay tiramabeelayaal tirsama ama koobma(countabtable infinite ama denumerable) ( ogow : tiromabeelo waa infinite) in la helo tan: In tirooyinka dabiiciga ahi ay iskubeegnaan mid mid ah ku yihiin urrurkaa. Markaa urrurad koobma (countable sets) waxay noqon karaan sugmayaal(finite) ama tiramabeelayaal koobma(denumerable) . Haddii aanay sidaa ahayna waa Makoobmayaal(uncountable) Markaa waxaan isticmaali karraa urruradaa : Tiromabeelayaal tirsama ama koobma ( denumerable or countable infinite) markaa urruka tirsamaa wuxu noqon karaa sugmayaal tirsama( finite) ama tiromabeele tirsama ama koobma sida urrurka toganayaasha tirooyinka lakabeed ah . Ta kale , mathematical induction : waxaan u bixiyey : xisaab dhacameed ( oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa, annigoo ka tixraacay qaabkeed) sidaad xusuusataan sequence waxaa loo yaqaanney sunsume aan eegno susumayaalka sida kuwa tirooyinka maangalka ah convergence sequence : sunsume namba waa ka dhamaadka le oo ku siqa xadka divergence seqeunce : sunsume faalala ka aan xadka lahayn inf of S waa cidhib koreedka(cidhibta kore) urrurka S , lower bound waa oodaha(seeraha ama xidhaha) jirrideed ama saleed ama guneed sup of S waa baar hooseedka( baarka hoose) ee urrurka S , upper bound waa oodaha caleed (kore)ama baarka ama fiinta ama dhalada Waad sixi kartaan wixii isku dhexqasan oo khalad ah Nabadgelyo Saciid Suugaan