From yu119792@YorkU.CAMon Nov 18 18:05:17 1996 Date: Mon, 18 Nov 1996 01:59:40 -0800 (PST) From: Saciid Maxamuud Maxamed To: Jama Musse Jama Cc: mwar@hotmail.com, musse@upmt.edu.my, mahamedm@stud.ntnu.no, MOHAMED1@THEMALL.N, ET@student.dm.unipi.it, smnbdl02@stud10.math.unipd.it, uab3@rz.uni-karlsruhe.de, Muhiadin@dm.unipi.it, ma301mai@gold, ac.uk@student.dm.unipi.it, yusuf1@montague.lamf.uwindsor.ca, jama.barreh@cyrix.com, ahmed.mohamed@ntc.nokia.com, MUHAMMED HUSSEIN , mohamed1@themall.net, mohamedy@ns.nsb.norrkoping.se, abdo.moussa@ufc.un, iv-fcomte.fr@student.dm.unipi.it Subject: Afka Hooyo ma la hormarrin karraa ? >>yu119792@yorku.ca (Saciid Maxamuud Maxamed) wrote: >On Tue, 12 Nov 1996, Jama Musse Jama wrote: > Wacan oo wanaagsan, > > > Ta kale , mathematical induction : waxaan u bixiyey : xisaab > > dhacameed ( oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan > > baa loo kala guraa, annigoo ka tixraacay qaabkeed) > > Waan fahmay maahmaahda aad adeegsatay, balse Dhacan(tu) ma ooddaa > mise waa nooc ka mid ah geedaha? Erayga soomali ahaan "dhacan" ayaa > shaki igaga jiraa ee bal ii waadixi. Waad Salaamantihiin Dhamaantiin maahmaahdu geed gaara oodii kuma qotonto. Ka sokow macnayaasha dhacanta loo yaqaan oo ah sida oodafadda ama jiitinta xeryaha la saaro, waxay u taagnaan kartaa si kale. Ood dhirreed, ama aadane ha jarro ama xoog dabiiciya Eebe ha u keenee dhulkay ku dhacaan(oodo dhacay). Hadday isku dul dhacaanna tan hoose si sahlan loolama soo bixi karo addoon tan sare qaadin. Markaa "Oodo dhacameed" kuma gaar noqonayso kuwa geela iyo adhiga aynu ku xerraysano. Meelkasta ooddii taala waa qabanaysaa. Haddaad cuun soo dhexgasho oo dawgii oodi jiq siiso dhulka ku soo dhacday. Siday kuu soo kala xiggaan baad isaga leexisaa. > > >sidaad xusuusataan sequence waxaa loo yaqaanney sunsume aan eegno > >susumayaalka sida kuwa tirooyinka maangalka ah > >convergence sequence : sunsume namba waa ka dhamaadka le oo ku siqa > >xadka > > "nabma/faalala" ma adigaa soo jeediyey? waxaan arkey in loo isticmaalay > "convegent sequence" erayaga "sunsume aroora", oo Nabma iyo faalala anaa bixiyey. Dhawr macne haddii loo heli karo eray in loo wada isticmaalo weeye. Sida markii xadka "limit" ka laga hadlayo , "siqid" ayeynu u isticmaali jiray "approaches" ,"tends" waxaan u bixiyey "haleelaya" ama "halabsanaya". > "sunsum aroorta(dareerin aroorta)", halka > fikradda "divergence-na" loo adeegsaday "sunsun kalahaad". Su'aasha kale oo la xidhiidha sunsumayaasha seerma (bounded) laakiin aan xadka"limit" haleelin, waxaan u bixin karaa "sunsumayaasha lukalukeeya" (carruurnimaddii ciyaaraheenii waxaa ka mid ahayd mid lukaluko la odhan jiray, hanneenkeedaa iyo kuwaa aan xadka lahayn ee tusaala ahaan 1 iyo -1 dhex boodda ayaan isu eegay) . "Recursive functions" waxaan u bixin karraa "fansaarrada irmaan". "recursive " waxaaan irmaantii shaxda ugu doortay qaab wadaagooda. Inkastoo aanan muddo dhawr iyo toban sanno ah shax ciyaarrin oo xitaa hoggaggii laga degi jiray waan ilaaway magacyadoodii . laakiin irmaantii baa maskaxdayda ku soo dhacday. Marka shaxda la ciyaarayo haddii aad irmaan ku salaxdid oo hoggii uu guuro jarrana ka maago madaxa jebisid qofku waa gurtaa . Waayo. wuxu ogyahay in aad midhaha u yaala oo dhan xabad xabad u cunayso. haddii ciyaartu bilaw tahay oo 11 u yaaliin, jarraad ridaysaa 11aad baad qaadaysaa mid kalaad ridaysaa 10aad baad qaadaysaa midkaa ridaysaa 9aad baad qaadaysaa isna irmaantaada ma baabi'in karo ilaa aad tii u dabaysay aad ka qaadid. laakiin ragga shaxda yaqaanaa ma sugaan oo dusha inta ay ka xisaabiyaan ayey marmarka qaarkood ciyaartii oo wada taala oo aan hog laga guurin ama rarrin gurtaan. maxaa yeelay waa ogyihiin inta hog oo ay guurayaan inta aan laga badin. god keliya oo aad ka ilduuftid degideeda ama rarideeda ayaa lagaaga badin karaa ciyaarta. "recursive functions" marka aad "base case" sallaxato horraadda u qeexanna aad u dawiso haddii aanay summadaa gundhiga ahayn waa isu yeedho ( sida "programming " loo isticmaalo tusaale ahaan) ama waa "Isfurfurto". "Discrete mathematics" waxaan u bixiyeye " xisaab teelteel" waayo waxay ku saabsan tahay walxo kala go'an oo xidhiidhkooda ama tiradooda iwm la raadinayo . Nabadgelyo Saciid Suugaan > > --------------------------------------------------------- > Jama. > http://www.dm.unipi.it/~jama >