From mwar@hotmail.comSat Nov 2 09:46:00 1996 Date: 1 Nov 1996 20:14:41 -0000 From: Mohamed Warsame To: jama@dm.unipi.it Cc: jama@dm.unipi.it, mwar@hotmail.com, musse@upmt.edu.my, mahamedm@stud.ntnu.no, yu119792@yorku.ca, MOHAMED1@THEMALL.NET, smnbdl02@stud10.math.unipd.it, uab3@rz.uni-karlsruhe.de, Muhiadin@dm.unipi.it, ma301mai@gold.ac.uk, yusuf1@montague.lamf.uwindsor.ca, ahmedam@evitech.fi, hussein@ictp.trieste.it Subject: Re: please read it and contribute >From jama@dm.unipi.it Thu Oct 24 14:55:12 1996 >Received: from dida8.dm.unipi.it (dida8.dm.unipi.it [131.114.6.117]) b >A salaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. > >Ducaqabe walaalow, > >Waxay aniga ila tahay in aynu haysanno maanta fursad aynu kaga >faaiidaysan karno iskuna waydaarsan karno faaqidaad dhismo iyo dhaliil >tir ah. SCS-newsgroup-ku waxa uu u samaysan yahay is wargelin iyo wax >isu sheeg, wanaag raadin iyo wada hadal iyo waliba wax kala qaadasho. > >Intiina ay si gaar ah u soo gaadhay farriintani iyo intiina ka akhrida >scs-newsgroup-kaba, anigoo ka cudurdaaranaya haddii ay dhowr jeer aydin >heshaan mailkan, waxaan idinku boorinayaa inaad booqataan site-kan > > http://www.dm.unipi.it/~jama/alif > >ka dibna wixii talo iyo tusaalayn ah ka gaysataan. > >Eebaa mahad leh. > >---------------------------------------------------------- >Jama. >http://www.dm.unipi.it/~jama >e-mail: jama@dm.unipi.it > Walaal Jaamac Waan arkay hawsha aad qabatay, E-mail hore ayaan kuugu soo sheegay. Hadda waxa aan rabaa in erayga "click" aan wax ka iraahdo. Bogga "Allif..." MAIL-KA "ii sheeg" caawa waa ii suuroobi weyday in aan fariintan kuugu soo diro. Macnaha CLICK oo af ingriis ah waa sidan: Short sharp sound. Sababta "click" loo yiri waxay aniga ila tahay in laga keenay dhawaaqa ka yeera marka "Mouse-Ka" la tuujiyo. Labadda eray ee ila iyo hadda aad heyso midkood kuma haboona ayey ila tahay aniga,waa "Riix". Shay marka la riixo dhaqaaq ayuu sameeya oo meel "A" inta uu ka dhaqaaqo meel "B" tagaa. Markaa aan meel Click-garayno wax dhaqaaq ah ma aragno. Aniga,erayga aad horey u heysay waxaan ku dari lahaa erayadan ah :Guji iyo DHiq sii. Guji waxa ay ka timid erayga "Gujo" oo macnihiisu yahay: gacanta oo duuban ama nafleyda yar-yar oo wax nuugta gafuurkooda,oo xoog loogu dhufto candhada xoolaha si caano kale uga soo dhacaan. Waxa aan u doortay eraygan marka meel la click-gareeyo wax kale ayaa nooga soo baxa, iyo tuujin oo meesha ku jirta. Marka candhada xoolaha la gujo waxaa dhaca laba fal, tuujin iyo caano oo candhada ka soo dhaca.Kombiyuutarkana,tuujin,iyo bog cusub oo noo soo baxa. Dhiq sii waxaan u doortay turjimid toos ah iyo dhawaaqaa "mouse-ka" ka yeedha. Labadda eray kan hore ayaan door bidi lahaa aniga.mwar@hotmail.com Waa Maxamed Cali Warsame oo kaaga soo qoraya Denmark. Waxaan kaa codsanayaa in aad ii soo sheegto haddii aad hesho fariintan. Allaha kula garab galo dadaalkaaga. M.A. Warsame. --------------------------------------------------------- Get Your *Web-Based* Free Email at http://www.hotmail.com ---------------------------------------------------------