Qaamuuska Xisaabta
Hordhac

Qaamuuskan oo soo koobaya eray-bixintii xisaabta ee guddiga af-soomaligu dejisay sanadihii 1972-75, kuna saabsan gaar ahaan xisaabtii loogu talogalay dugsiyada sare, waxa aannu iskudaynay inaanu isugu ururinno erayada dhaqanka soomaaliga ah ee loo adeegsaday cilmi (xisaab) ahaan iyo kuwa laga soo minguuriyay afafka qalaadba.

Eray kasta waxaa raaca macnahiisa oo ku sheegan af-talyaani iyo af-ingiriisi, kadibna waxa lagu lifaaqay qeexdiisa oo af-soomali ah iyo tusaaleyaal mar-marka qaarkood.

Si loo fahmo fikradaha qaarkood, waxaanu tusaale ahaan u adeegsanay garaaf-yo iyo jaantusyo fududiynaya mancaha xisaabeed ee ay xambaarsan yihiin erayada qaarkood. Habka taxanaha ah ee loo adeegsaday kalahormarinta erayadu waxay raacaysaa siday u kala horreeyaan xarfaha alfabeetada af-soomaaligu, iyadoo la horinayo shaqallada, kadibna shibbaneyaasha: (a,e,i,o,u; b,t,j,x,kh,d,r,s,sh,dh,c,g,f,q,k,l,n,w,h,y). Balse si ay u fududaato helitaanka erayadu, waxa aanu ku lifaaqnay taxane kale oo erayga lagu raadin karo af-ingiriisi iyo af-talyaaniba, kuna siinaya bogga uu ku yaal eraygaasi.

Waxaanu ku rajo waynahay inuu noqdo qaamuskani mid anfaca qof kasta oo raba inuu ku barto afsoomaliga xisaabaadka sare, gaar ahaan ardeyda dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba. Waxaan aad ugu dhiiri gallinaynaa macallimiinta wax ka dhigta dugsiyadaas inay ka faaiideystaan buuggan, iyagoo ka fiirsanaya isticmaalkiisa, lana kaashanaya aqoontooda gaar ahaaneed.

Ugudanbayn waxaanu ku darnay liis erayo cusub oo aan hore loogu adeegsan cilmi ahaan, una badan kuwa ku saabsan farsamada cusub sida kombuuterka, una baahan in laga doodo. Eraydaas qaarkood waxay nala noqotay in aan la turjumin, balse dhawaaq ahaan sidooda loo afsoomaaliyeeyo, tusaale ahaan Computer. Sidaa darteed, wixii fikrad ah, talo iyo tusaaleyn iyo faaqidaadba way soo dhawaynayaan qorayaasha buugani.

Anagoo ku rajowayn in wixii dhalliil ah, ha ahaadeen xag farsamo ama aqooneed, ee lagala kulmo howshan nalala socodsiiyo si aanu u sixi karno, waxaanu ka cudurdaaranaynaa wixii khaladaad ah, ama illowshiiyo ah ee nagaga dhacay ururinta xogtan.

Eebaa mahad leh.


Jama Musse Jama.
Abdalla Osman Mohamed.

ku noqo bogga Jama
ku noqo bogga Qaamuuska.
ku noqo bogga alif la kordhebay


Wixii talo iyo tusaalo ah Jama Musse Jama