When I was born....

As you may already noted, my full name is Jama Musse Jama, a laureato in matematica of
Pisa University and a research fellow at the same university. I was born and raised in Hargeisa, near Beerta Xorriyadda, `the other side' of Dooxa Herer, as they used to say. I begun my school career, obviously the Quranic School, in "Malcaamaddii bacadlay", then Dugsiga hoose ee Xoogga Dalka, dugsiga dhexe ee Naasa Hablood and Dugsiga sare ee Faarah Oomar as primary, intermediate and secondary schools. These places will remain in my mind forever. I will also never forget the splendid time took as a teacher, due to the national services, in Berbera Intermediate school and Hussein Giire (Hargeisa) Intermediate School. It was the time, then, to immigrate to Mogadishu, for the desire of study, to apply the Jaamaacadda Ummadda, Somali National University. It was almost four years and half, including one year of studying the italian language, that I was there in the Kulliyadda Laamaha Cilmiga, Waaxda xisaabta iyo fiisigiska....... Now I am here in Pisa, Dipartimento di Mathematica.

Jama Musse Jama
The greatest difficulty of the intellectual is distinguishing the important from the unimportant.

Recent Activities

Come vedete, cambiare ogni tanto l'ambiente nella quale uno vive, ti permette di acquisire una nuova amicizia e di conoscere nuove persone, mentre altre amicizie - che ti sono anche a volte molto care - si allontano col tempo. Di sicuro certe amicize non si dimentacano mai`; forse la parola giusta e' che si sorpassano i ricordi di certi momenti. Tuttavia ci sono momenti e luoghi legati al tuo modo di vivere, al tuo pensiero ed ogni tuo azione nella tua vita attuale; quei momenti che non solo sono indimenticabili ma non si possono neanche sorpassare; quei momenti e luoghi che fai confronto con l'attuale vita quatidiana, quando sei felice e quando non lo sei; quei tempi di cui ricordi, a volte per consolarti ed altre volte per festeggiarti, ricorrono alla tua mente uno dopo l'altro come le onde del mare; quei momenti che voresti rivivere: nel mio caso, da Hargeisa a Berbera, da Mogadishu a Gahayr, da DJibouti a Pisa, da Farah Oomar a Hussien Giirre, da Batallaale a Shacabka. Insomma, sento un pò di nostalgia di casa, di amici e di un tempo relativamente lontano.....

If you decide to write for me, okey, this is my address otherwise if you prefer an e-mail message, just click here. Anyway this is my home page and also is yours as a friend, so don't hesitate to rivisit. Any comments are well appreciated.

My Address

Home Address:
Jama Musse Jama
Via Borgo Stretto 29
56126 Pisa (PI)
Italy.

Tel. (39)(50) 598077
University Address:
Jama Musse Jama
Via Buonarroti 2
56100 Pisa (PI)
Italy.

Fax. +(39) 50 844 224
e-mail:
jama@mail.dm.unipi.it


DOOXA HERER (Hargeisa)

Sidii aan hore u carrabaabay, waxaan ku dhashay beer yar oo dooxa dhiniciisa ku taallay. Markaan yaraa doox Hargeisa wuu ka qurux badnaa sida uu hadda u baabay, had iyo jeerna daad baa mari jirey. Caruurnimadaydii iyo xusuustayda dhallaanimo ee ii kaydasanina waxay ku salaysan tahay agagaarka dooxaas.

Dooxii Hargeisoo
Labadiisa daamood
Dacartiyo gobkii iyo
Damalkii ku taxan yoo
Daad golongolcooboo
Daafyaha maraayoo
Danyartiyo dareleeftii
Ku duwayso beeraha
daartaad ogayd baan
deggan gacaladaydaay
salaan tii da'wayniyo
kalgacaly ka soo direy .............


FAARAX OOMAAR Secondary School

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado intiina soo martay dhallinyaronimadoodii dugsiga F/Oomaar, waxaan ku rajowaynahay inaan sameeyo F/Oomar Home Page. Hadaad ka mid tahay ardeydii F/Oomaar, da'day doonto ha ahaatee, fadlan ila soo xidhiidh, ilana soo tali siday kuulo muuqato.

Ilaa iyo markii aan farriintan qorey oo hadda (1999) laga joogo ilaa 6 sanandood, waxaa ila soo xidhiidhay dad aad u badan oo da'o kala duwan ah, wadaagayse kaliya inay Farah Oomaar fasal ka mid ah fadhiisteen. Hadalkiina maan dhayalsanayne, intaa waan la soo guclo rooraayey waxaan goobtan ugu talo galay. Inan ka mid ahina waxaabay igula talisay inaanu samayno Farah Omar Allumi Association. Mahadsanid walaaley. Intiinii ilasoo xidhiidhayeey, iyo intiina hadda uun soo booqateyba, dhawaan hadda alle idmo waan idinku soo war celin. Talo kastaoodigu soo biiriso, haddaan hore kuugu soo jawaabi waayay, ha u qaadan inaan dhayalsadey, hubaal waan ku xisaabtamay, waana aad ku mahadsan tahay.


Berbera ....

Anigoo sideed iyo toban jir ah ayaan macallin ka noqdey dugsiga hoose ee hablaha Berbera, si aan shaqada qaranka u guto. Waxay filkay tageen "gurmad" oo koonfur baa askarinimo loo geeyey, aniga iyo labaataneeyo aanu ku jirnaana waxaa naloo reebay macallimiin. Waxaase naloo diidey inaan ku hadhno Hargeisa, magaaladaan ku dhashay een ku barbaarey. Waxaa la ii direy Berbera inaan macallin ka noqdo. Waxay ahayd markii iigu horreysaya een gurigaya "ka dhaxo", Berberana hore umaan degin.

Reer Berbera si qiime badan bay noo soo dhaweeyeen, muddo saddex bilooda markaan joodayna, Berberi waxay noqotey magaalada aan aad u jecelahay. Xasuus aad u qurux badan baan u hayaa Berbera iyo reer berberba. Anigoo ka sheekanaya nolol maalmeedkada, ilaa markaan subixii ka tooso Burcoshiikh (waa xaafad ku taal koonfurta berbera e), ilaa iyo markaan cawayskii anoo daalan gurigayga ku soo noqdo, waxaan ku idhi asxaabteydii reer Hargeisa .....

Subax barisamaadka ah,
Burco shiikh ka toosoo,
ka dhex bood xabaalaha,
bisinkiyo qiraankiyo,
faataxada usii bari,
[....]
Baydku waa kulayloo
hurdo uma bogayside
Batalaale aadoo
bacaadkaa xariirtee
mawjad baala daymaha
bishaan qurux wanaagga leh
nafta yara barriinsii
barta casarka liiqana
kubbad baaskedyara dheer
[....]
Bal maxaan Hargeisiyo
Burco iyo Sanaag iyo
Xamar baalaheediyo
Marka iyo Baraawiyo
Baladkii Kismaanyaad
maxaan ugaba baahnahay
Waxaan kaga bogsanayaa
Boqorkii Jacaylkaan
Ka ag baaqayoo
Boodheri sintiisaan
Baayo aan ka leeyahay
Ayana boowe leedahay

Allahayow Berberi waa
Beledkii samaayee
Yaraanta ugu bogayee
La ogow barwaaqada
Balaayadan la sheegayna (berigaa waxaa Hargaysa agagaarkeeda kadhacay daacuun)
Kagabaaji alifkaa


Hussein Giirre intermediate school

Markaan Berbera ka soo noqdey, intaanan Xamar u tacabirin, waxaan macallin shaqo-qaran ka noqdey Hussein Giirre, (ex)Sha'ab Boys intermediate school. Ardeydii aan wax u dhigay berigaasi, waxay noqdeey saaxiibadaydii ugu qaalisanaa. Meel aa joogtaanba, la idin salaan.


Xamar iyo Gahayr

Intaan joogay Xamar een ardeyga ka ahaa, waxaan degganaa Block 6 (dhismayaashii cusbaa) markii horena block 1 ayaan marti ku ahaan jirey. Gahayr, guryihii ay ardeydu degganaayeen, waxay hoy ii ahaayeen 4 sanaddood.

and the story continues ....